War Murtiyeed kasoo baxay Shirkii Odayaasha Digil iyo Mirifle iyo Xildhibanada ee ka socdey Degmada Baydhaba

1
89

baydhabooShirkii wadatashiga ee maamulka loogu sameynayay lixda gobol ee ka socday magaalada Baydhabo ayaa laga soo saaray maanta warmurtiyeed ay isku raaceen ergooyinkii ka qaybgalayay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof . Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay shirweynahan ayaa sheegay in go’aanka dadweynaha la ixtiraamo, isagoo ayiday warmutiyeedkii ay soo saareen nabaddoonnadii iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Haddana halkan hoose ka akhriso war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka:

War Murtiyeedka Shirka Wadatashiga ee ka socdey Magalada Baydhabo 17-20 Setember 2013

Shirka wadatashiga ey isugu yimaadeen Xildhibanada Qowmiyada Digil iyo Mirifle, Madax dhaqameedyo kasoo jeeda Qowmiyada, Madaxda Gobolka iyo kan Degmada Baydhabo, Ururada Bulshada, Haweenkka, Ganacsato, Saraakiisha, Qurbo joogta, Ciidamada Qalabkasida iyo Culumaaudiinka oo ay kaga arinsanayeen arimaha la xiriira siyaasada da;ka gaar ahaan dhisida maamullada Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhismaha Dowlad Goboleedka 6da Gobol ee koonfur Galbeed Somaliya.

Shirkan oo socday afar maalmood waxaa gunaanadka shirka goob joog ka ahaa Gudomiyaha Golaha Shacbiga ahna kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Somaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wasiro kasoo jeeda Qowmiyada Digil iyo Mirifle.
Dood iyo Falanqeyn dheer ka dib waxaa shirka wadatashiga la isku raacey qodobadan:-

1- In si buuxda loo taageero midnimada qaranka hambsami u fadaraleynta dalka iyo difaaca gobanimada Dastuuriga ah ee Dowlada Federalka Somaliya.

2- In la dhiso Dowlad Goboleed ka kooban 6 Gobol oo kala ah Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubada Hoose. sida ugu dhaqsiyaha badana loo dar dar geliyo dhisida Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya.

3- In heshiiskii xukuumada federalka somaliya ey la gashey ergada ka socotey Kismaanyo ee ay kula gashey magalada addisababa bishii Ogost 27 2013 uu yahay mid aan marnaba la aqbali karin kaasoo ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dowlada federalka somaliya isla markaana Xuquuq Duudsi bareer ku ah shacbiga deegaanada Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe, iyo Gedo sidaa daraadeedna si toos ah loo diido xukuumadana lagula taliyo in ay dib uga fiirsato.

4- In beesha caalamka iyo dowladaha deriska ah ee goob jooga ka ahaa gorgortanka hishiiskan kor ku xusan waxaa laga codsanaya iney fiiro gaar ah u yeeshaan baaqa Qowmiyada iyo iney dib u eegis ugu noqdaan heshiiska oo aan ka turjumeynin dadka deegaanka.

5- In odayaasha dhaqanka iyo Xildhibanada Qaranka iyagoo kaashanaya Xukuumada Federalka Somaliya Ururada Bulshada Rayidka ah shacbiga deegaanka guud ahaan inay dedejiyaan hirgelinta dhisida Maamulada heer Degmo, Heer Gobol iyo hirgelinta maamuuska gogosha ka fidsan magalada baydhabo oo loogu gal leeyahay dhisida dowlad goboleedka 6da gobol ee koonfur galbeed somaliya.

A- In ey u horseedaan sidii ay uga soo qeyb geli lahaayeen dhamaan beelaha degaan wadaaga la ah Digil iyo Mirifle ee degan Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed somaliya.

B- Dhismaha Dowlada Goboleedka waxaa lagu dhidi doonaa si waafaqsan Dastuurka Federalka Somaliya iyo rabitanka shacabka.

C- In Dowlada Federlaka Somaliya ay si buuxda oo sharciga waafaqsan u qaadato doorka kaga aadan dhisida maamulada iyo D/ goboleedyada oo ay ka mid yihiin taakuleyn ilaalinta xasiloonida iyo fududeynta howlaha.

D- Doorka Xildhinbanada Degaanka waa mid waafaqsan Qodobka 61 ee Dastuurka.

E- In si deg deg ah loo dhiso Maamulada Degmooyinka iyo Gobolada sida waafaqsan Dastuurka iyo sharciga dhisida Maamulada Degmooyinka iyo Gobolda ee uu Baarlamanka Federalka Somaliya ansixiyey taariiqdu markey eheydd 8 July 2013 iyadoo dhismaha maamulada laga soo bilaabayo Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose.

6- Waxaa laga codsanayaa dhamaan Qurba joogta kasoo jeeda Goboladan kor ku xusan gaar ahaan iyo guud ahaan dhamaan muwaadiniinta Somaaliyeed ee gardaro diidka ah ay si wadajir ah ugu duubtaan difaaca xuquuqda shacbiga heshiika Addis ababa lagu dulmey.

7-Gebagabada shirka wuxuu ka codsaday madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jumhuuriyada Federalka Somaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo R/Wasaaraha Xukuumada iney dalka ku hogaamiyaan Dastuurka Federalka iyo Shuruucda dalka u degsan.

 
Wabillahi Tawfiiq
Baydhabo 21 September

 

 

 

 

1 COMMENT

  1. MASHA ALLAH AAD AYAAN UGU FARAXSANAHAY GO’AANKII CADALADA AHAA AY QATAEEN MALAAQYADA DIGIL& MIRIFLE , XILDHIBANADOODA , WAXGARADKA , BULSHADA RAYIDKA AH , GANACSATADA QURBO JOGTA IYO WALIBA DHALINYARADA . MARKA WAXAN LEEYAHAY MALAAQYADA GO’AANKANI XALAGU DHABEYO YEYSAN NOQON HADAL KALIGII EE FICIL HALAGU DARO , WAXANA AAD UGU FARAXSANAHAY DIGIL& MIRIFLE SIDEY UWADA QATEEN GO’AAN CAD MASHA ALLAH. WABILAHI TOWFIIQ .

Comments are closed.