Dhegeyso:- Qudbadii Gudomiyaha Barlamanka Prof Maxamed Osman Jawaari uu ka jeediyey Kulankii Maamul u sameynta Koonfur Galbeed

1
95

jawariGudoomiyaha Baarlamaanka dowlada Federaalka isla markaana ah kusimaha Madaxweynaha ayaa inta uusan kasoo bixin magalada baydhabo waxaa uu qudbad xasaasi ah u jeediyey odeydhaqameedyadii iyo xildhibaanadii kasoo jeeday beelaha digil iyo mirifile waxaa uuna ku booriyey in howsha meesheeda laga sii wado.

Gudoomiyaha waxaa kaloo uu carabka ku dhuftey in dad badan eysan rabin in Digil iyo Mirifle ey noqdaan dad danahooda ka fikira oo isku tashada wuxuna ku booriyey in laga foojignaado qolooyinka u shaqeeya ama la shaqeeya kuwa diidan iney wax qabsadaan Qowmiyada Digil iyo Mirifle.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu qurba joogta kasoo jeeda deegaanada digil iyo mirifle ka codsadey iney hadalka badan iska yareeyaan oo ey ku bedelaan wax qabad si horumar u gaarto qowmiyada.

 

Jawaari

 

Halkan Hoose Kaga Dhgeyso Mobilkaada

 

Jawaari Mobil

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. maashaa allaahu jawarey maanta tarikh ayaa dhafe waajibkiisani waagute lakiin waxaa rabaa inaa ushego dadkii jawaarey ka been cabuurinaaye xada jawaarey waakan waa gof cadaalad ah oo wadani ah waayi jawaarey aniga oo ku xadlaayo magaca shacabiga digil iyo mirifle dhamaantaanaba ad iyo ad ayaa umaxadsantahay prof maxamed shekh osmaan jawaarey ad iyo adbey umaxadsantahay adiga taarikh ayaa ureebte adiga dadkaaga 21/o9/2013 reer arlaadi

Comments are closed.