Saxaafada Afka Maxaatiriga maxay ka tiri Warsaxaafadeedkii kasoo baxay kulankii Baydhabo

7
177

jghIntiinii horay ula socotay qoraalkeenii hore ee aan Cinwaanka uga dhignay “Saxaafada Soomaalidu maxay ka tiri booqashada Jawaari ee Baydhabo”ayaa gebagebadiisa waxaa soo bandhignay su’aal u qornayd sidan”Hadaba waxaa isweydiin leh ujeedka webside-yadan iyo kuwa kasii daran ee umadda beenta la daba taagan waxa ay ku danbayn doonaan kolka ay Digil iyo Mirifle oo mid ah dhistaan maamulgoboleedka KoonfurGalbeed ee lixda gobol iyo Sideeda degmo ee koonfurta Muqdisho ay dhisaan una istaagaan difaaca iyo horumarinta goboladooda?

Jawaabta iyagaan u dhaafay.

Hadaba qormadeena maanta oo dabasocota tii hore ayaa waxaan ku eegi doonaa sida Saxaafada Af-Soomaaliga ku hadasha ay maanta u soo bandhigeen Warsaxaafadeedkii maanta kulankii Baydhabo laga soo saaray.

Guud ahaa warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa si aad isu dhow shaley uga hadashay Warsaxaafadeedkii kasoo baxay kulankii Baydhabo kolka laga reebo Webside-ka ALLBANAADIR oo aad moodo inuu iskiisa u soo daabacday Been aan sal iyo raad toona lahay isagoo sheegay in warsaxaafadeedka lagu sheegay dhismo Sedex gobol oo kaliya ee Ila akhri”Prof Jawaari oo maalmahan kulamo kala duwan la lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ugu dambeyn Xubno isugu jira Odayaal Dhaqmeed iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka kahor sheegay in dhawaan la dhisayo maamul Goboleed u gaar ah Gobolada Baay , bakool iyo Sh/Hoose.

Qorshaha maamul usameynta Sadaxda Gobol ayaa mudooyinkan ahaa kuwo kasocday Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay iyadoona Wararka hada soo baxaya sheegayaan in Xubnaha kusugan Byadhabo ay isku waafaqeen maamul goboleed ay yeeshaan Gobolada Baay , Bakool iyo Sh/Hoose.”Waa yaabe been intaan gaartay horay ma u aragteen?Bal hadana ila eega Maseer intana ka weyn “Prof Jawaari oo Beeshiisa u hiiliyay iyo Koonfur Galbeed oo lagu heshiiyay”waxaa sidan Cinwaan ka dhigtay Caasimada.

“Qodobadii kasoo baxay kulanka ayaa waxaa saxaafada u akhriyay gudoomiyaha barlamaanka Pro Jawaari, waxaana uu ku dhaqaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, taas oo lamicno ah inuusan aqoonsaneen maamulka Jubba”Qoraalkan oo uu soo bandhigay Warqaad.com ayaa waxa aad uga muuqda quuriwaa!.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hadana Cinwaan uga dhigtay “Odayaasha Digil iyo Mirifle: Jawaari ayaa sharciyeeyay Maamulka K/Galbeed, Xasan Sh looma baahna”waxaana sidaasi oo kale qoray Kismaayo24.

Halka Saadaalmedia-na ay qayb ka mid ah War Muriyeedka ay qarisay si iyada uun ay hayso oo kale waxaa iyana ka minguursaday Raxanreeb.

Warbaahinta Shabeele ayaa iyana ku been abuuratay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bay Shiine Macallin Nuur oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay “in Maamulka Gobolka Bay ay ka go’antahay sameynta Maamul Goboleed laga dhiso Gobollada Koofureed ee Soomaaliya, isagoona sheegay in arrintaasi ay isla afgarteen Siyaasiyiin iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool(oo kaliya Bay iyo Bakool siyaasiyiintooda)Shabeele saxaafada been waa ka xaaraan!.

BarKulan ayaa iyana fidinta Beenta looga soo horjeedo KoonfurGalbeed qaybteeda ku biirisay oo tiri “Shirka waxaa ka qeyb-galay siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahanno, waxgarad, xubnaha ururrada bulshada rayidka ee gobollada Baay iyo Bakool.

Deegaannada Baay iyo Bakool ayaa si adag looga soo horjeestay heshiiskii August 28 dowladda federaalka ay ku aqoonsatay maamulka KMG ah ee Jubba ee uu hoggaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe(Yaabaye ma Bay iyo Bakool kaliyaa laga diiday Heshiiska Adis-Ababa mise!)

Webside-ka Dayniile ayaa isaga sina u soo qaadin Safarkii Jawaari shirkii Baydhabo iyo Warsaxaafadeedka midna balse waxa uu sheegay sidan”Shirkii Baydhabo Oo War murtiyeed laga soo saaray iyo ku simaha Madaxweynaha Oo Muqdisho si weyn Loogu soo dhaweeyey”

Inkasta oo qaar badan oo ka mid ah webside-yada Afka Soomaaliga wax ku qora ay aad marin habaabin saxaafadeed ay ku hayaa shacabka Digil iyo Mirifle ayaa dhanka kale warbaahinada Digil iyo Mirifle ay maanta soo istaageen meel lagu amaano ka dib kolkii ay si qoraal iyo codba ay ku soo bandhigeen dhacdadii maanta ee kulankii Baydhabo iyo Warsaxaafadeedkii kasoo baxay.

Isku soo wada duub Saxafiga u bareeray inuu Been qoro Ogow Beentaada in aan ummadda u soo bandhigi doono!

Wadajirradio

7 COMMENTS

  1. waxaan aad iyo aad ugu faraxasanay jiritaanka websetkan daafeet.com waxaa boqarka saxaafada somaliweyn

  2. waan idin salaamay dhaamaan bahda idacada iyo bahda digil iyo mirifle,
    markan ka hadlo idacadaha afka somaliga ku hadlo waligog kama hadlin war xaqiiq ah inta idacad aad soo qadatay ma ku jirta hal idacad oo baydhaba joogtay oo shirkana gudaha u soo galay jawaabta waa may marka waxaan qaba idacadii been ka sheegto qowmiyadaha digil iyo mirifle yanaan cidna loga xishoniin hala darensiyo qaladkeda hana la garsiyo ila aay ka bixiyaan rali gilin oo waliba aan ahen iney idacada talefan u soo diraan mid idacadooda aay kaga dhawaqayaan iney raali gilin bixinayaan beenta cuqubadeeda taas ayaan jiclahay iney tahay figrad ahaan bahda waxaan qalday idinka iga saxa wadna ku mahad santihiin sidaad qowmiyada in meel loga dhaco aad kaga soo hor jedsateen
    wad mahad santihiin bahda idacada daafeet

  3. Masha allah ad ayd umahadsan tihin allaha haniga abaaliyo shaqada qurxon oo ad uhesan umada smliyed gar ahan shacabka k/galbed kuwani benta kaganacsanyo oo benta umada usotabinayo maxkamad ayan sari dona hadii eba idmo gushana waxaa iskaleh shacabka konfur galbeed mel walba ay dunida kajogan

  4. ugu horayn waxan mahad gaar ah udirayaa wapkaan daafeed iyo maamulkiisa oo noosootawiyo wararka xaqiiqda kusalaysan hadaan kasii gudbo
    wapka kabeen abuuro DM diidanna midnimadadooda iyo hormarka waxay ogyihiin hadii DM kakoco fadhiga in ay u dhamaatay ayga waayi doonaan waxyaabo badan 6da gowol eedegaan DM waa 6da gowol oo ugu qiyaaraadka badan somalia illaah ku manaystay DM

  5. Ilaahay garabkaa ha galo daafeet.com iyo dhallinta hawshaada qabatay. Xaq baad ku taagan tihiin. Xaqana isaga ayaa ka guuleysta daalimka.

  6. asc salaan kadib ilahay sandhoora daafed mahad santiin garabkiin allah galo masuliyiinta idankaa kadaran shaqada ad uhaydaan umada DM mar unbaa tariikhda idan qori donta guulista ayaan leyahay reer arlaadi anigoo ah godoomiyaha MDM dhalinta reer kufargalbeed

Comments are closed.