Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo caasimada gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay ilaa iyo saaka siyaabooyin kala gedisan ay isaga kala dileen beelaha Ogaadeen iyo Mariixaan dad tiradooda lagu sheegay Sideed ruux halka afar kalana lagu dhaawacay.
Dadkaan la dilay iyo kuwa la dhaawacay ayaa waxay ahaayeen dad loo dilay amaba loo dhaawacay aano qabiil.
Shaqaaqadan ilaa iyo hada ay ku dhinteen sideeda ruux ayaa ka bilaabatay kadib kolkii nin Taksiile ahaa oo lagu magacaabi jiray Jaamac Yare barqanimadii shalay lagu dilay Xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo gaar ahaan agagaarka Ex-Dhismihii Dahabshiil iyadoo ehelada ninkaasi oo ka dhiidhiyay falka lagu dilay ayaa waxay dhac kula kaceen dhowr gawaari ah oo ay lahaayeen beesha dilka u geysatay Taksiilaha.
Sidoo kale ayaa labadan beelood waxa uu iska horimaad uu ku dhex maray Xaafadda Calanley waxaana ku dhintay ilaasedex ruux ku heyb ah kuwii dilka taksiilaha geystay iyadoo afar kalana ay ku dhaawacmeen.
Hadaba si aan faah faahin dheeri ah uga helno arimahaasi ayaa waxaan wareysi kala yeeshay Nabadoon Cumar Cali Diirshe
Su’aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey ayaa waxay ahayd bal inuu warbixin kooban uu naga siiyo Colaadan hada kasoo cusboonaatay magaalada Kismaayo