Xarunta Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo bandhigay Raggaani ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo mid kamid ah lasoo qabtay isagoo xiran Dharka dumarka iyo Indhashareer.
Saraakiisha hay’adda nabasugidda ayaasheegey inay ku raad joogaan rag kale oo iyagu isku qarinaya xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir, iyagoo ballaanqaadey in maleeshiyaadka gacanta lagu hayo la horkeeni doono maxkamadda si caddaaladda loola tiigsado.
Hay’adaha ammaanka qaranka ayaa wada dedaallo ay uga hortagayaan falalka lagu carqaladeynayo amniga caasimadda, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay xubnaha golaha Wasiirada u xilsaartay inay Maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada kala qeybqaataan qorsheyaasha lagu xasilinayo.
Daafeet.Com
ascw walaalayaalo bal firiya foolxumadaan ka taagan soomaliya dadkaan sidaan wax yeelato ma ku jirto miyaa cabsida ilaah oo ma oga miyaa waxkasto oo ay sameynayaa in loo qoraayo oo 2 malaaig ah ay garbahooda saran tahay oo wax kasto u qoreyso ee kuwaan wey dhib qabaane ilaah ha tuso xaqa ee in ay ka soo noqdaan waxyaalaha xun ay sameynayaan in ay ka tobat kenaan ilaah ha u kaso wa bilaahi towfiiq
Comments are closed.