Sheekh Maxamed Macalin oo kamid ah saraakiisha Ururkii Bur-buray ee Xisbul Islaam oo maanta Bahda Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdish ayaa wuxuu eedeyn dusha uga tuuray Xoogaga Shabaab ee Dowladda dagaalka kala soo horjeeda.
Sheekh Maxamed Macalin wuxuu Shabaab ku eedeeyay inay geystaan falal tacadi ka dhan ah Bini’aadamka wuxuuna sheegay inay laayaan dadka culimadda ah iyo dadka waxgalka u ah Bulshada Soomaaliyeed.
Intuu uu saxaafada la hadlaye wuxuu kaloo sheegay inay wadahadal la galayaan sida uu yiri Dowladda federaalka Soomaaliya, hadii ay yihiin Ururkii Burburay ee Xisbul Islaam oo hada tayo iyo awood ciidan intaba aan laheyn.
Wadahadalka Dowladda ay la galayaan, ayuu ku sifeeyay inuu yahay mid ku aadan wadahadal Siyaasadeed, maadaama Ururkii Bur-buray ee Xisbul Islaam markii hore dagaalka ay Soomaaliya ka wadeen oo ku aadanaa ciidamada Shisheeye ee sida qaldan Soomaaliya kusoo galay.
Daafeet.Com
Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ka masuua ah, ninkaan in uu sidaa u hadlo. Asaga iyo Sheikh Dahir Awes, Ummada Somalida, ay ka galeen dembiyo aad wayn. Hadana QABIIL ahaan xabsiga looga saary. Waxaa ka masuul ah, Madaxwenaha Hassan Sheikh Mohamud. Waxayna ka mid tahay Fidnada Shacabka ku dhaxwado ku soo kordhiyey. In Al-Shabaab xabsiyada laga daayo sidey rabaana u hadlaan. Kuna faanan QABIIL.
shaydaan wuxuu sameeyey ayuu ogyahay jana waa ka quustey
shalay waxaad sameyseen waad ogtahay haddad dameer lhay ,dowladii sheikh shariif markey soo degtey waa idinkii dagaal uga hotagey , manta oo aad naftiina lasoo cararteen ayaa idin dhegeysanaa,madaxwenahaa waxaan u sheegayaa kuwaani waa kuwii shaley dagaal wadeen weeye ee maxkamad hala saaro si kuwa kalena ay uGu quus qaataan.
Sheekhow inaad saan u hadashid ina adeerkaaga xasan sheekh ayaa ku gaarsiiyey. lkn waxaa ka ayaan daran soomaalida xasan sheekh wax ka sugeysa asc.
Comments are closed.