Kooxihii ka socdey xukuumada fadhigeedu yahay magalada muqdisho oo maanta dib ugu laabtey muqdisho

3
33

wasiroWafdigii wasiirada ee ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Caasimada Koonfur Galbeed ayaa caawa dib ugu noqday Magaalada Muqdisho kadib muddo labo maalmood ah oo ay ku sugnaayeen magaalada.

Wafdigaan ayaa intaysan ka ambabixin magaalada Baydhabo u suura gashay inay kulan albaabada u xiran la yeeshaan Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed oo ay ka codsadeen in labo maalin dib loo dhigo Doorashada Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed ayaa ka diidey Codsiga Wasiirada, waxayna sheegeen inaan la joogin xili doorashada dib loo dhigo, maadaama ay Musharixiinta jeediyeen Khudbudooyinkooda.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa ey dadka is weydiyaan mexey tahay sababta ey mar walba usoo laalaabanayaa wasiirada u dhashey qowmiyada digil iyo mirifle maadaama gogoshu eysan eheydn gogol digil iyo mirifle keliya u taal.

Dadka qaarkood ayaa ku fasira in wasiirada digil iyo mirifle iyo qaar ka mid ah xildhibaanadooda eysan marnaba ka go,neyn qadiyada dadka ey matalaan balse ey meesha u fadhiyaan in ey fuliyaan aragtida dowalda fadhigeedu yahay muqdisho rabtana iney ka taliso koonfurta somaliya keliya.

 
Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. Kkkkkkkk kkkkkkk calooshooda ushaqestiyaakii macarareen sxb sidaas ayaa larabaa in loolahadlo wlh way waalnyihiin kulhaa 2 beri nooga dibdhig xitaa 1 daqiiqad loomadibdhaay ee soodadajiya doorashada madaxweynaha & kuxigeenkiisa guuul k g hanoolaato oo hataanaado cankeeda guuuuul k g 6 gobol

  2. Warbaahin qarnigaan daafeet.com & ishabaydhaba.com. dadka kunool koonfer galbeet badankooda runta ma, ogee oo ah gumaysiga ku soosocdo ee qoraalka badiya oo runta dadka ka dhaadhiciya garibgiin allaha galo.

  3. Maasha allaah sidiilarabay ayaad ulahadasheen guulasta ayaan idinleenahay odayaash koonfurgalbeed cadowgiinuhajabo wixiicalooshi ushaqaystanacayriya sidaku haatanguuldaradalanoqday

Comments are closed.