Ajaanib maanta nin ku toogtey garoonka magalada gaallkacyo

0
58

bistooloLabo shaqaale ajenbi ah oo ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC ayaa maanta lagu dilay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo Cabdi Siciid Dhaga-weyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askari ka tirsan ilaalada garoonka uu toogasho ku dilay labada nin xilli ay doonayeen in ay ka duulaan garoonka iyaga oo ku sii jeeday dhanka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in labada nin ee la dilay ay la taliyeyaal u ahaayeen hay’adda UNODC.

 
Daafeet.Com