Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyey dilka manta loogu geeystay laba qof oo la taliye ahaan ugu shaqeenayey xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira maandooriyeyaasha iyo dunuubta kaleba (UNODC).
Labada lataliye ee caalamiga ahaa waxay joogeen magaalada Gaalkacyo si eey u taageeraan dadaalka uu xafiiska UNODC kawado gobolka. Waxaana lugu dilay ragaasi airporka Gaalkacyo qeeybta Puntland ee Soomaaliya, waxaana dilay rag aan heeybtooda la aqoon.
Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta in ay sameeyaan baaritaan buuxa sida ugu dhaqsiyaha badan leh eey dambiileyaashane u hor keenaan cadaaladda ayadoon jirin wax dib u dhac ah. Waxaan tacsi u dirayaa qooysaskii iyo asaxaabtii dadkii la dilay.
Qaramada Midoobay waxay sii wedi doontaa taageerada muhiimka ah eey u fidibneeyso dadka Soomaaliyeed kuwaasoo kasoo kabanaayo labaatameeyo sano oo xasilloni la’aan ay ka jirtay dalka ” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah, Mudane Kay.
Daafeet.Com