In ka badan shan ruux oo rayid ah ayaa xalay lagu dilay deegaanka Muuri ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in kooxaha dilka geystay ay xirnaayeen direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dadkan la dilay ayaa waxaa saddex ka mid ah ay ahaayeen wadaaddo kasoo baxay masaajid ay kusoo tukadeen salaaddii cishaha, halka labada qof ee kalena ay ka mid ah ahaayeen shacabka deegaanka.
Sidoo kale, goobjoogaha ayaa xusay in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen kooxo xiran dharka ciidamada milateriga Soomaaliya, isagoo xusay inay rasaasta u fureen si aan kala sooc lahayn, balse ay shantan qof ku dhinteen.
Illaa hadda lama oga sababta ay kooxahan xirnaa dharka ciidamada xoogga dalka ay rasaasta ugu fureen shacabka deegaanka Muuri, iyadoo saraakiil u milateriga u hadlay ay sheegeen in falkaas aysan geysan ciidamada.
Daafeet.Com
Ya ka masuul ah xasuuqan waxishnimada ah ee ka dhacay Sh. Hoose, ya ka danbeeyay, dani ya ka la haan karo. Ya waayo kuwa ku naaxo dhibka shacabka, foodada, nidaam la’aanta, sharci daro, cabsi joogta ah, xasuuqa dad MASJID ku dhax jiro, qabilka waaye kuwa imaanka ILAHEEY ka qaaday oo aminsan in eey argagixisnima ku bililaqeestan wax eesan la heen, eey ka mid yahiin guriyo, xaafado, magalooyin iyo gobolo : YA WAX KASTA NOQON KAROOO, MALIN WALIBA IS BADALA, YA KULA JIRO KAANA JIRO: YA WAAYO KUWA MAALINTI MADAXTOOYADA DHAX WAREEGA, HABEENKINA ALSHABAAB XAAFADAHA KULA SHIRA. YAWAAYE QABIILKA AAN WELI KA SABRIN IN EEY SI GUMEESTAN SHACABKA SH. HOOSE???????JAWAABTA WA WADA NAQAAN!!!!!!
Comments are closed.