
Shirka oo socon doona 15 cisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka kala tirsan goleyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka ee dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobollada Jubbooyinka.
Nabadoon Aden Rukow oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Gobolada Jubbooyinka oo Wareysi dheer siiyey Warbaahinta ayaa sheegay shirka in uu yahay mid lagu heshiisiinaayo Beelaha wada dega Gobolada Jubbooyinka ee dhibaatada ay kala gaartey waxay ku heshiiyiin Beelaha ilaa 6 qodob.
Nabadoonka ayaa sheegay Qodobada lagu heshiiyey in ay ka mid ahaayeen in la soo xareeyo Ciidamada ku sugan Goobweyn ee uu madaxda u yahay Col.Bare Hiiraale,inkastoo Bare Hiiraale uusan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u socdaan,hadana waxaa magaalada soo gaaraya qaar ka mid ah Ciidamadii ku sugnaa Goobweyn.
Shirka maanta ka furmay Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu ku xigi doono shir kale oo lagu qaban doono magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Halkan ka dhegayso..Beelaha Jubooyinka ee Shirka uu ugu socdey Kismaayo oo heshisyo hor dhac gaarey iyo Bare Hiiraale oo aan ku qanacsaneyn