Barlamanka oo Maanta Warbixin ka dhegeystey Gudiga Gadiidka ee Barlamaanka

0
71

barlamanka-cusubBarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystya gudigga Gaadiidka ee Baarlamaanka taas oo ku aadan heshiiskii ay Xukuuumadda lagashay shirkadda FAVORI ee lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta gudigga Gaadiidka Baarlamaanka ee la xiriirta heshiiskii ay Xukuumaddu la gashay shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga oo iyadu hada maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana Guddoomiyaha gudigaasi Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuuboow uu Baarlamaanka ka hor sheegay in heshiiska ay Xukuumaddu la gashay shirkadda FAVORI yahay mid aanan laga baaraan deign, islamarkaana ka hor imaanaya qodobadda:- 50aad,126aad,1aad iyo 99aad ee Dastuurka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda u degsan.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay maanta soo gebagebeeyeen su’aallo weeydiinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, ayadoo Xildhibaannadii ugu dambeeyey ee Wasiirka su’aallaha weeydiiyeyna ay si isku mid ah xooga u saarayeen sababta ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u fulin weyday sharciga 116 ee Baarlamaanku ansxiyey islamarkaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixay kaasi oo quseeyey nidaamka loo marayo sameynta maamullada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Xildhibaannada su’aallahooda uga jawaabay ayaa waxa uu gebagebadii Baarlamaanka Soomaaliya u muujiyey in looga fadhiyo sameynta sharci deg deg ah oo la xiriira sida maamullada loogu sameynayo deegaannada cusub ee ay Dowladdu dib u hanato, waxaana uu dhanka kale Wasiirku tilmaamay in sharcigii 116 ee Baarlamaanku ansixiyey la fuliyey intiisa badan.

Daafeet.Com