Wasiirka Arimaha Gudaha oo ku eedeeyey Masuuliyiinta Gobolada qarkood iney leexsadaan Mucaawada

2
63

goodaxWasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa xusay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo leexsaday raashin gar-gaar ahaa.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar-gaarkii ay u diri lahayd degmooyinka; kaddib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulladaas, isagoo xusy inay dhacday marar badan inaan loo gaarsiin dadkii gargaarka loo diray sidii loogu talo-galay.

“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo lunsaday gar-gaarkii loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka dhibaateysan, waxaa dhacday raashin gar-gaar oo kal hore loo direy gobollada Bay iyo Bakool intiisa badan ay leexsadeen, inaguna waan kasoo celinnay waxaa loo diray Shabeellaha Dhexe oo ay xaalado aad u daran oo dhinaca bani’aadanimada ahi ka taagnaayeen,” ayuu yiri Goodax.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa xusay inay ku wareejin doonaan gargaarkas xildhibaankii qaadaya mas’uuliyadda raashinkas gargaarka ah oo gaarsiinaya dadkii loogu talo-galay gaarsiiyo, ayna kula xisaabtami doonaan.

 
Daafeet.Com

 

2 COMMENTS

  1. Godax. masuulka xoolaha leexsaday isla markaas ayaa wax laga qabtaa, lagana hadlaa. Hadda, markii lagu weydiiyey Shacabka Dhibaataysan. Qof kale ayaad raadinaysaa in aad eeda saarto. Weli, waxad qiranaysaa in aad raashinki u leexisay GOBOLA KALE AAD KA SOO JEEDO HISHOOD LA;AANTADA. Ayadoo, ummada Somalia oo dhan la socoto sida GERGAARKA LOOGU LUNSADO MUQDISHO, Wasiirka GODAX, waa fashilanay ee xilka ha iska dhiibo. Hadii, uu diido sida badi dhacda. Barlamaanka waa in uu shaqadiisa qabsado haduu JIRO.

  2. Ninkan waxba ka qaldan waa dadka uu shegayo oo dowlada uu shaqeyo labadasi Gobol waxa ka joga Gudomiya Gobolka Bay kan Degmada Bakolna sidaso kale Bakoolse wayanaba ku dhowad one Year gacanta Dowlada uu shegayo kuma jirin cabasho joogta ah ayuuna so jediyeey Tool qof Dowlada oo ka so jawabeyna ma jirto. Godax Barre ha cadeyo dadka lehsadey Gargar uu shegayo haduun Run shegayo. Gurmadki iyo gargarki lo so direy Goboladasi ma jirto Deeq kastana Muqdisho ma so dhaafto hadii la dhunsadeyna kuwa Muqdisho Joga ayaa Dhunsadey baqaradana Gashtey kana ganacsado.Godax Cadeyn ayaa laga raba iyo in Maxkamad la soo saro kuwi wax dhunsadey.

Comments are closed.