Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay si kulul uga hadashay Qunsulka la sheegay in Dowlada Kenya usoo Magacawday Gobolada Jubooyinka, halkaas ay joogaan Kumanaan katirsan Ciidamada Kenya.
Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay Tilaabada ay Dowlada Kenya Qunsulka ugu soo Magacawday Gobolada Jubooyinka , waxa uuna tilmaamay in tilaabadan ay qaaday Dowlada Kenya ay tahay mid ay horey u filayeen .
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay dooneyso in Gobolada Jubooyinka ay ka jarto Dalka Soomaaliya intiisa kale ayna ku biiriso Dhulka Kenya heesato , waxa uuna intaa raaciyay in Tilaabada Kenya Qunsulka ugu soo Magacawday Gobolada Jubooyinka ay muujiniseyo Qorshaha qarsoon ee Kenya wadato.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkaada
Daafeet.Com