Nicholas Kay oo sheegey in loo baahan yahay in la Horumariyo Xoruyada Saxaafada

0
63

nikols keyErgeyga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qarama Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in loo baahan yahay in la horumariyo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa tilmaamay in uu hoos u dhac ku yimid tacadigii iyo dilalkii qorsheysnaa ee loo geysan jiray weriyeyaasha, balse loo baahan yahay dadaal dheeri ah si meesha looga saaro dhibaatooyinka loo geysto.

Wuxuu ammaan u jeediyay wariyeyaasha Soomaalida ah ee u dhabar-adeygaya dhibaatooyinka loo geysnayo xilliyada ay waajibaadkooda gudanayaan.

Hadalka Kay ayaa imaanaya xilli maanta caalamka looga dabbaal-degayo maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka.

 
Daafeet.Com