Xildhibaan C/llahi Axmed Xuseen oo maanta gaarigiisii lagu qarxiyey Degmada Xamar weyne

0
116

qaraxGaari uu leeyahay Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen ayaa saaka lagu qarxiyay Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir, sida uu Xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Gaariga oo yaalay Banaanka hore ee Hoteel ku yaala Degmada Xamarweyne una dhaw Masaajidka Marwaas, ayaa la qarxiyay, markii sida la sheegay ragii waxyaabaha qarxa ku xiray ay qarxiyeen, isagoon aan saarneyn Xildhibaanka.

C/laahi Axmed Xuseen oo ah Xildhibaanka gaarigiisa la qarxiyay ayaa saaka kusii jeeday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo saaka fadhi ay ku leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka Dowladda ee qaabilsan dhanka Miino barista ayaa soo gaaray goobta, kuwaasi oo ka sameeyay howgal
Daafeet.Com