Alshabab oo Hanjabaat u dirtey Gudoomiyeyaashii Degmooyinka ee Xilka laga qaadey

0
70

alshababXarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay beegsanayso guddoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay dhibaatooyin horay ugu geysteen shacabka.

Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay beegsadaan guddoomiyeyaashii hore ee xilalka laga qaaday, isagoo xusay inay dhibaatooyin badan geysteen taas awgeedna ay go’aansadeen inay shacabka uga aaraan dhibaatadii ay u geysteen.

Sheekh Cali ayaa hadalkiisa ku daray in guddoomiyeyaashii hore ay muddo fog ku hayeen dhibaato shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda jilicsan, isagoo xusay inay gaalada kala shaqeyn jireen dhibaateynta shacabka.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay dilkii C/kaafi Hilowle oo ahaa xogyihii hore ee gobolka Banaadir ayuu sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, kaddib markii ay ku daba-jireen muddo dheer.

 
Daafeet.Com