Qarax aad u xoogan ayaa cawa waxaa uu ka dhacay magalada neyroobi qaraxan oo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawan ilaa iyo hada inta la ogyahay waxaa ku dhintey 3 Ruux waxaana ku dhaaawacmey in ka badan 25 Ruux.
Qaraxyadan oo ahaa kuwo is-bar-bar-socday ayaa lala beegsaday laba bas oo kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay waddada Thika oo ah mid mashquulka badan oo marta bartamaha magaalada Nairobi.
Bambaanooyinkan oo ay basaska ku tuureen kooxo aan la garanayn ayaa waxaa mid ka mid ah lagula beegsaday bas agagaarka hoteel lagu magacaabo Bluesprings halka bamka kalena lala beegsaday bas marayay agagaarka saldhigga Kasarani.
Labada bas ayaa waxay marayeen xilliga qaraxyada lala beegsanayay goob aad u mashquul badan oo ay ku sugnaayeen dad badan, taasoo sababtay dhaawacyada dadka faraha badan, kuwaasoo la geeyay isbitaallada waaweyn ee Nairobi.
Daafeet.Com