Dhegayso..Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo Garoon diyaaradeed ka dhisaya degmada

0
37
cwwMaamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo  ayaa sheegay in ay bilaabeen dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelato degmadaasi oo cabirkiisu uu gaarayo ilaa 2km,iyadoo dhismaha garoonkani uu yahay kii ugu horeeyey ee laga hergeliyo Ceelwaaq.
Gudoomiye ku xigeenka degmada  Ceel-waaq  Sahal Macalin  Aadan oo la hadlayey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayo dhismaha garoonka diyaaradaha Ceelwaaq oo loogu talagaley in looga faa,ideysan doono Gargaarka iyo Socdaalka dadweynaha.
Gudoomiye ku xigeenka degmada  Ceel-waaq  ee gobolka Gedo waxa uu sheegay in qorshaha dhismaha garoonka ay ka qayb qaadanayaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan degmada.
Waxaa jira degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay ku degaan diyaaradaha u kala goosha dalka sida degmada Doolow,Luuq iyo Garbahaarey,inkastoo Garoonkii diyaaradeed ugu weynaa Gobolka Gedo ee ku yaaley Baardheere uu xiran yahay mudo ka badan ilaa 6 sano.