Kulfadhigii xldhibaannada baarlamaanka Somalia ay maanta ku yeelan lahaayeen Muqdisho ayaa baaqday, waxaana kulanka dib u dhacay looga doodi lahaa mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Sidoo kale, kulanka ayaa codka kalsoonida loogu qaadi lahaa shirkadda FAVORI ee laga leeyahay dalka Turkiga oo maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo sababaha uu kulanku u baaqday lagu sheegay arrimo farsamo oo aan si dha ah loo caddey.
Guddoonka sare ee baalramaanka Soomaaliya iyo guddiyada joogtada ah ee golaha baarlamaanka, iyadoo kulankan la sheegayo in looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin xiisadaha siyaasadeed ee taagan.
Daafeet.Com