Gudoomiyaha Barlamanka Dowlada Federalka Somaliya Oo Tacsiyeeyey Qaraxii Shaley ka Dhacay Magalada Baydhabo

0
57

jawaariGudoomiyaha Baarlamaan Dowlada Federalka Somaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey shacabka reer Baydhabo falkii argigixisanimo ee ay argigixisadu la birtilmaameedsadeen shalay galab shacab aan waxba galabsan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, ugu horeyn anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi uga dirayaa shacabka reer Baydhabo aniga oo uga tacsiyadeynaya falkii argigixisanimo ee lagu dhibaateeyey shacab aan waxba galabsan, sidoo kalena waxaan Alle ka baryayaa in inta ku dhaawacntay uu Alle caafimaad siiyo”

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay shacabka,ciidammada Qalabka Soomaaliyeed iyo Ciidammada AMISOM iney iska kaashadaan sugidda amnigooda si loo hor istaago falalka noocaan ah.

 

 

Daafeet.Com