Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo caasimada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed ayaa waxay ku waramayaan in falkii bahalnimada ahaa ee shaley lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan ee ka dhacay magaalada Baydhabo laguna bartilmaameedsaday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed uu ahaa mid ay soo abaabuleen Sharwade Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Walaalkiis.
Inkasta oo aan warkaasi weli uu ka hadlin maamulka Gobolka Baay,Kan Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed iyo Kan Fedraalka ayaa waxaa hadana caawa aad looga hadal hayaa magaalada in falkan bahalnimo ee lagu xasuuqay reer Baydhabo uu yahay fal ka suura gal ah oo kaliya Walaalaha Sharta(Sharwade Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Walaalkiis).
Halkan ka Daawo Sharwadayaasha xasuuqa isu bahaystay