Afhayeenka Amisom Col Cali Adan Xaamud oo sheegey iney Baari Doonaan Cidii ka Dambeysey Qaraxii Baydhabo ka Dhacay

0
66

Col XamudAfhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id qabtay ayaa kaga warbixiyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo xaaladaha kale ee dalka, isagoo si adag u cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Baydhabo ka dhacay.

Col. Xumad ayaa tilmaamay in weerarkii Baydhabo uu muujinayo sida kooxda Al-shabaab ay cadow ugu yihiin shacabka Soomaaliyeed; isagoo xusay inay jiraan baaritaanno ku sameynayaan qaraxaas ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee Baydhabo ku sugan.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay sheegay in ciidamada AMISOM ay mas’uuliyad ka saaran tahay nabadeynta Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda, isla markaana ay sii wadi doonaan howgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab illaa laga saaro dalka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Col. Xumad ayaa kusoo beegmaya iyadoo weerar loo adeegsaday gaari laga so buuxiyay waxyaabaha qarxa lagula beegsaday Baydhabo guddoomiyihii hore ee gobolka Bay kana mid ah wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban.

Daafeet.Com