Degmada Luuq oo Xaley Lagu Toogtey Qaadigii Degmadaas Sheekh Maxamed

0
55

bistooloDegmada Luuq ayaa xaley waxaa lagu toogtey qaaligii maxkamadda degmadaas, Sheekh Maxamuud, iyadoo kooxihii dilkaasi geysteyna ey u suuro-gashay inay baxsadaan.

Mas’uul u hadlay Ahlusunna ayaa sheegay in dilka qaaliga ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan maamulka degmada Dooloow ee gobolka Gedo, ayna hayaan caddeyn ku filan inay dilkaas iyagu ka dambeeyeen.

Qaaliga ayaa saakay lagu aasay gudaha degmada Luuq, iyadoo aysan jirin weli cid loosoo qabtay dilkiisa, wuxuuna noqonayaa garsoorihii ugu horreeyay oo degmada Luuq lagu dilo tan iyo markii uu billowday sannadkan.

Maamulka degmada Dooloow oo dilka lagu eedeeyay ayaan wax hadal kasoo saarin eedeynta loo jeediyay, sidoo kale maamulka Dooloow kama uusan hadlin dagaalka ka socda degmada Balad-xaawo oo lagu eedeeyay inay iyagu ka dambeeyeen.

 
Daafeet.Com