Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa uga digay dadkooda inay safar ku tagaan wadanka Kenya iyo wadamada kale ee Soomaaliya xaduudaha la leh oo ay sheegeen inay halis dhanka amaanka ah kasoo socoto.
Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in dadka Maraykanka ay joojiyaan safarada ay ku tagayaan dalka Kenya oo dhan gaar ahaan meelaha loo dalxiis tago waxaana warkaan xusayaa inay jirto halis amaan oo ka imaanaysa Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan.
Maraykanku waxaa uu sheegay in dadka Maraykanka ah ee hadda Kenya jooga ay ka fogaadaan goobaha la iskugu yimaado ee suuqayadu ka mid yihiin halkaasoo bartilmaameed u ah Al-Shabab sida warka lagu yiri.
Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Britain ayaa war laga soo saaray waxaa loogu digay dadka Ingiriiska ah inay tagaan dalka Kenya iyo wadamada geeska Africa oo dhan.
Dadka Ingiriiska ah ee Kenya jooga ayaa loogu baaqay inay deg deg ah uga baxaan lana xariiraan safaaradooda Nairobi ku taala.
Daafeet.Com