Madaxweynaha oo Xaley la Kulmey Qaar ka mid Odayaashii soo Xuley Xildhabanada

0
43

xasanMadaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Qaranka Soomaaliyeed Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa marka hore Duubaabka Soomaaliyeed uga warbixyey sababaha uu ugu yeeray islamar-kaana u sheegay in ujeedada kulanka tahay wada-tashi, talo-bixin iyo hiigsiga mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay qorshe Xafiiska Madaxweynaha uu waday kaasi oo ahaa in Duubabka Soomaaliyeed loo qaado qaar ka mid ah Wadamada Qaaradda Afrika oo horay dagaallo u soo maray si waayo aragnimo looga soo qaato.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimad gaar ah Odayaasha Dhaqanka ku leeyihiin Dowlada iyo dib-uheshiisiinta, wuxuunna Odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi gaar ah oo arrimahan kala shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha.

 
Daafeet.Com