Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federalka oo Maanta Gaarey Garbahaareey

0
36

xamudWafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaareey,si ay u xaliyaan xiisada ka taagan Beledxaawo.

Wafdiga Wasiirka ayaa kulamo la leh maamulka magaalad Garbahaareey ee gobolka Gedo, saraakiisha ciidamada iyo odayaasha deegaanka, si xal looga gaaro xiisadaha dagaal ee ka jira Beledxaawo oo ay isku hayaan dhinacyo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Dowlada uu qeybta ka yahay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay xal ka soo gaaraan Xiisada ka taagan qeybo ka mid ah Gedo oo dadka qaarkii ay bilaabeen inay colaadaha ka cararaan.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Beladxaawo ayaa waxay wadaan dadaalo ay ku qaboojinayaan Colaada iyo sii socoshada dhiiga daadanaya,waxaana deganaasho aan cago buuran ku taagneyn maalintii Labaad laga dareemayaa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo Ciidamo hubeysan isku fara saareen.

Daafeet.Com