Madaxweynaha Dowlada Federalka oo ka hadley Munaasabada 15 May

0
42

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xalay Khudbadda ka jeediyey Munaasabadda 15-ka Maajo Maalinta Dhallinyada Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxa uu khudbaddiisu ku bilaabay.“Sharaf weyn bey ii tahay in aan caawa idin kala qeyb-galo xuska iyo damaashaadka munaasabaddan weyn ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed. Maalintan waxaa ay goob gaar ah ku leedahay xasuusteenna qarannimo. Waa maalin nagu dhaqaajineysa ka fikirta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mustaqbalka dalka uu ku jiro gacmaha dhallinyarada Soomaaliyeed. “Soomaaliya dhibaatooyin badan bey soo martay sanadihii la soo dhaafay, waxaana rumeysanahay mustaqbalka dalkan iyo dadkiisa waxa uu kujiraa gacmaha gabdhaheenna iyo wiilasheenna”.

Madaxweynaha ayaa ammaanay u jeediyey dhallinyarada Soomaaliyeed dalka wax ku baratay iyo kuwa dibadaha ka soo laabtay isla-markaana ka qeyb qaadanaya horumarka dalka.
Daafeet.Com