Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay heshiiskii shirkadda FAVORI LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo mudanayaashu ay isku raaceen in dib loogu celiyo heshiiskaas xukuumadda.
Dood ay xildhibaannadu ka yesheen kaddib ayaa waxay ugu dambeyn u qaadeen cod, iyadoo 120-xildhibaan oo ka mid ahaa 139 mudane oo kulanka goobjoog ka ahaa in heshiiskan dib loogu celiyo xukuumadda Soomaaliya si ay dib u eegis ugu sameyso.
Guddoonka baarlamaanka ayaa codeynta kaddib sheegay in heshiiskan dib loogu celinayo xukuumadda si ay dib u eegis ugu sameyso, waxaana doodda heshiiska ay socotay muddo toddobaadyo ah.
Xildhibaannadii ka hadlay heshiiskan ayaa waxay qaarkood sheegeen inaan lagu fududaan in shaqada ay shirkaddan ka hayso garoonka diyaaradaha laga joojiyo, balse loo baahan yahay in xukuumadda lagu celiyo, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in shaqada oo dhan laga joojiyo, heshiis cusubna ay gasho.
Daafeet.Com