maxamed kaafi iyo war kaleErgeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta guddoomiyey caleema saarkii rasmiga ahaa ee Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay.
Cutubka Ilaalada QM wuxuu ka kooban yahay 410 ciidan oo ay bixisay Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda (UPDF). Cutubka Ilaalada, oo uu hogaaminayo Taliye Ugandays ah, waxaa mas’uuliyaddooda hoos imaaneysaa mas’uulka QM ugu magacaaban Soomaaliya, SRSG Kay. Cutubku waa awood sugan waxaana saldhig u noqon doona Gegida Caalamiga ah ee Muqdisho.
Cutubkan Ilaalada oo si rasmi ah u billaabay howlihiisa 15kii May 2014, waxay ka dhigantahay ka qeyb noqoshadii ugu horreysay abid ay Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda ka qayb noqdaan xarumaha howlgallada QM.
Sameynta Cutubka Ilaalada QM waxaa ansixiyey Golaha Ammaanka ee QM kadib markii Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon uu talo kusoo jeediyey daabuliddooda.
Daafeet.Com