Kulanka maanta Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo furay shirka ayaa sheegay in ay baarlamaanka ka doodeen labo ajande oo kala ah sii waddida doodda mooshinka ka dhanka ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo u codeynta hindise sharciyeedka Hya’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha.
Waxaa Baarlamaanka hortagay Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya kaasi oo cod loogu qaadiyay in kalsooni uu ka helo Baarlamaanka Soomaaliya ama uu waayo si xilka uu hayo kaga tago.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada u sheegay in cod loo qaado Wasiirka in Codka Kalsoonida la siiyo iyo in kale.
“Waxaa guud ahaan u codeysay 144 Xildhibaan, 18 ayaa taageertay mooshinka 115 ayaa ka soo horjeesatay, waxaana ka aamustay 8 Mudane, sidaasi ayuu ku jebay Mooshinka looga soo horjeeday Wasiirka arrimaha gudaha” ayuu yiri Jawaari.
Daafeet.Com