Philippe Lazzarini oo dalbadey 60 Milyan si wax looga qabto Caruur Somaliyeed Heysa Nafaqo Daro

0
58

philipeIsuduwaha xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan bini’aadannimada Soomaaliya Philippe Lazzarini oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka digay xaalado bini’aadannimo oo halis ah oo ku soo wajahan Soomaaliya bilaha soo socda.

Philippe Lazzarini ayaa dalbaday 60 milyan oo doolar oo deg deg ah toddobaadyada soo socda si looga hor tago xaalado halis ah oo imaan kara.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto daaweynta 50 kun oo caruur ah oo nafaqo-darro la il-daran, fududeynta gagaar la gaarsiiyo goobaha dagaallada ay ka dhaceen iyo helidda biyo nadiif ah oo la gaarsiiyo goobaha ay abaarta saameysay gaar aahaan gobollada woqooyi.

Isuduwaha ayaa sheegay in ay jirto xaalad qatar ah oo sababtay roobabka oo xilligooda kasoo daahay, dagaallo deegaannada qaar ka socda iyo sicirka raashinka oo kor u kacay, wuxuuna ugu baaqay dalalka deeqaha bixiya in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan.

 
Daafeet.Com