
Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalada Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalkii maalmahan ka dhacaye duleedka Magaalada Kismaayo uu ahaa mid ka dhashay, kadib markii Al-Shabaab ay diideen in Kismaayo laga dhoofiyo Dhuxusha.
Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar Maax oo la hadlay Warbaahinta ayaa dagaaladaasi guulo ka sheegtay, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay kaga guuleysteen dagaaladii labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay duleedka Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Cabdi Dhoore.
