
Xali Maxamuud Cali oo ka mid ah qoysaska faraha badan ee ka barakacay waxyeelada Daadadkii roobabka oo la hadlayey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay dadka ka barakacay guryahooda ku yaaley Xaafadaha uu ku rogmaey Biyaha Toga weyn ee mara magaalada in ay tiradooda u dhaxeyso 2000-2500 oo qoys,halka ilaa 500 oo gurina laga qaxay
Qoysaskaasi ma haystaan ayuu yiri adeegyadii ay u baahnaayeen, waxaana dhibaatadaasi u sii dheer maciishadda oo cirka isku shareertay, ka dib markii ay istaageen gaadiidkii xamuulka ee soo galayey deegaanka,weli wey adag tahay in guryahii laga barakacay in dib loogu soo laabto.
“Dadka wuu ka qaxey guryahii wey dumeen, musqulahii wey dumeen kaneeco badan iyo shuban biyoodna wey dilaaceen ,dhibaatadaasi kalena waxaa noo sii dheer maciishada oo cirka isku shareertay wadooyinka oo roobabka ku xirmey dartooda sidaasi wageedna dadkuna ma haystaan wax nolol ah, waxayna u baahan yihiin in la gargaaro sidaasi waxaa yiri Axmed Cali.
Sidoo kale Xabiibo Muxumed Ismaaciil oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ah ee waxyeeladu ay ka soo gaartey Daadadkii Roobka ayaa Wadajir u sheegtay dhibaatada ay qabaan qoysaska ka barakacay guryahooda xilligan in ay ugu weyn tahay Hoy la’aan iyo dhamaan daruuriyaadkii bani’aadamka u baahnaa, iyadoo sheegtayna dhinaatadani oo kale in ay ugu dambeysay Dabayaaqadii 1997, xilligaasi oo fatahaad ay ka dhacdey Qaar ka mid ah Xaafaha Baardheere ay ku Barakaceen kumanaan Qoys.
Halkan ka dhegayso