Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa aqbalay go’aankii baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen xukuumadda uu hoggaaminayo.
“RW C/weli Sheekh wuxuu aqbalay go’aankii golaha baarlamaanka Somalia uu kalsoonida ugala noqday xukuumaddiisa, wuxuuna faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaa arrintan maalinta berri ah,” ayuu yiri Ridwan Xaaji C/weli oo ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyay, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumaddiisa muddadii ay shaqeynaysay.
Ra’iisul wasaaraha xilka kasii dagaya ayaa waxaa la magacaabay November sannadkii hore 2013-dii, kaddib markii sidan oo kale xildhibaannadu ay kala laabteen kalsoonida ra’iisul wasaarihii ka horreeyay Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid).
Daafeet.Com