Reysulwasaare Cabdiweli Sheekh oo Cambaareeyey Falkii Shaley Baydhabo Ka Dhacay

1
41

Cabdi Weli SheekhRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u canbaareeyey weerarka argagaxiso ee lagu bartilmaameedsaday dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaaxi laga shaaheeyo oo ku taalla magaalada Baydhabo,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ay ka baxsan yihiin dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeensadaan la dagaalanka dadka caadeystay daadinta dhiigooda.

Ugu Daynabytii Ra’iisul Wasaaruhu ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxan uu Illaah uga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.