Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo Sabti ah kalsoonida kala laabtay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisa, kaddib markii cod kalsoonida loo qaaday mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha oo baarlamaanka Somalia loo gudbiyay bishii hore.
Mudanayaashii kulanka fadhiiyay oo tiradoodu ahayd 235 xildhibaan ayaa 153 ka mid ah waxay ogolaadeen in kalsoonida lagala laabto xukuumadda ra’iisul wasaaraha, halka 80 ay diideen in kalsoonida lagala laabto, iyadoo ay ka aamuseen laba mudane oo keliya.
Natiijada codeynta ayaa waxaa ku dhawaaqay kaddib guddoomiyaha baarlmaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhinacyadiisa fadhiyaan labadiisa ku xigeen, iyagoo sheegay in codeyntu ay tahay mid ansax ahna xukuumaddiina kalsoonida lagala laabtay.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu muddo soddon casho ah kusoo magacaabo ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa C/weli Sheekh, iyagoo sheegay in inta muddadaas ka dhiman ay xukuumaddu sii shaqeynayso.
Daafeet.Com
Gacan Tagow kama daalan ,Cadalad daro kama daalaan dulmi kama daalaan dollar qadasho kama daalal Subanahallah.
Comments are closed.