Alshabab oo Sheegatey Qarixii Jimchii Dhaweyd Ka Dhacay Magalada Baydhaba

0
88

alshababAl-shabaab ayaa shaaciysay in ay mas’uul ka ahayd laba weerar oo ismiidaamin ah oo Jimcihii ka hor ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, qaraxyadaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay deegaannada ay Al-shabaab ka taliso in weerarradaas ay ku dileen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Gellinkii dambe ee Jimcihii mujaahidiintu waxay laba weerar ku qaadeen goob ay isugu imaan jireen saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee gacanta siinaya, hadafkii laga lahaa weerarradaasna waa lagu guuleystay,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarradaas ay ku dileen 20-qof oo uu sheegay inay ku jiraan saraakiil sarsare oo uu ka mid ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Daynuunaay.

“Dadka kale ee weerarkaas ku dhintay waxaa ku jiray saraakiil dhar cad ah oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo xubno maamullada la doonayo in Somalia lagu kala qaybiyo ka tirsanaa,” ayuu afhayeenka Al-shabaab u hadlay ku daray hadalkiisa.

Sheekh Abuu-Muscab oo sii hadlayay ayaa sheegay inay weerarrada noocan ah ay sii socon doonaan, wuxuuna sheegay inay kasoo horjeedaan in dalka Soomaaliya loo qaybiyo dhowr qaybood gacantana loo geliyo Itoobiya iyo Kenya.

 
Daafeet.Com