Telefishinka Al-jaziira ee Afka ka carabiga ku hadla ayaa qabtay Barnaamij gaar ah oo uu diiradda ku saarayo xaaladda Siyaasadeed iyo midda amni ee dalka Soomaaliya.
Barnaamijka “Waaqica Carabta” xalqadiisi xalay ayaa looga dooday fashilka dhanka Siyaasadda ee Soomaaliya iyo sida dowladaha dariska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya faragelinta ugu hayaan dalka.
Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada xiligii Dowladii Shariif Sheekh Axmed Xasan Xeylle oo barnaamijka ka qeyb gelayay ayaa sheegay in Soomaaliya aysan kajirin dowlad shaqeysa balse ay jirto dowlad ay gacmaha ku wadaan shisheeye isagoo Xasan Gurguurte iyo maamulkiisa ku tilmaamay kuwa qabyaalad iyo shisheeye kalkaalnimo isku darsaday.
Siyaasigan oo og waxa ay tahay dowladda Federaalka ayaa dhowr su’aalood oo laga weydiiyay waxa marwalba fashiliya xukuumadaha Soomaaliya loogusoo dhiso dibadaha wuxuu sheegay in Itoobiya iyo Kenya ay damac dhuleed ka leeyihiin soomaaliya islamarkaana ay marwalba abuuraan colaadda ka dhaxtaagan qabaa’illada Soomaalida iyo unkidda maamul goboleedyo iyaga u adeega sida Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Puntland.
Xasan Xeylle ayaa si cad u sheegay in Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe aysan rabin Shacabka Koonfur Galbeed, balse ay kala wataan Dowladaha Itoobiya iyo Kenya.
Daafeet.Com