Dhegayso..Cudurka Oofwareenka oo ka dilaacay Buurdhuubo

0
80
qufacIyadoo mudo ka badan ilaa 8 bilood uu xiran yahay Isbitaalkii degmada Buurdhuubo oo adeegyo caafimaad ay ka heli jireen dadka ku dhaqan dsegmadaasi iyo tuullooyinka hoos yimaada ayaa xilligan wararka laga helayo degmadaasi waxay sheegayaan dad ka badan ilaa 600 oo qof in ay la liitaan xanuunka Oofwareenka oo dhowaan deegaanka ka dilaacay.
Cali Bishaar Daahir  oo ah Madaxa Arimaha Bulshada iyo mashaariicda Maamulka degmada Buurdhuubo oo la hadlayey Radiyaha Wadajir ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujiyey dhibaatooyinka caafimaad daro ee ka taagan deegaanka iyo mida nolo xumo,xili muddo 8 bilood ka badan deegaanka ayan soo gaarin wax daawo ah,islamarkaana uu xiran Isbitaalkii degmada.
“Xirnaanshaha wadooyinka iyo Colaadaha ayaa sabab u ah in uu xirmo isbiitaalkii buurdhuubo,islamarkaana daawo laga waayo deegaanka,halka noogu dhow oo Daawo laga heli karaana waa degmada Garbahaarey oo Buurdhuubo u jirta ilaa 40 km,weyna adag tahay inaan daawo u doonano sidaasi waxaa yiri Cali Bishaar.
Bukaanno ka badan ilaa 600 oo qof oo qaba xanuunno kala duwan ayaa xilligan waxaa ay ku xanuunsan yihiin gudaha degmada Buurdhuubo, waxaana qaarkood daawooyinka looga soo iibiyaa dukaamo gaar loo leeyahay oo dawooyinka ku iibiya gudaha degmada Buurdhuubo,kuwaasi oo xaaladoodu ay haatan u muuqato mid gabaabsi ah.
Waa maxay Oofwareen?Jeermiga Haemophilus Influenzae (Hemofilus Influense) nooca b oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan “Hib” wuxu dhaawacaa xuubka ku daboolan maskada madaxa iyo tan laf-dhabarta, wuxune u keenaa caruurta yar-yar cudurka dilaaga ah ee maskax-holoca. Hib wuxu sidoo kale sabab u yahay oofwareenka ama qaarjeexa halista ah ee caruurta ku dhaca. Tallaalka Hib waa markii u horreysay ee dalka la keenayo isaga oo ka mid ah shanta tallaal ee tallaalka Pentavalent xambaarsanyahay. Tallaalka Hib wuxu caruurta ka difaacaa cuduro dilaa ah oy ka midyihiin oofwareenka/qaarjeexa iyo holoca xuubka maskada. Faaido gaar ah ee la socota tallaalka Hib waa arrinta lagu magacaabo “difaaca dadban” oo tilmaamaysa in haddii caruurta badankooda tallaalkan la siiyo, ay suurta gal tahay in isla markaas tallaalkani ka hakiyo cudurada jeermigani keeno caruurtii tallaalka aan la siin. Sidaas darteed kaalinta caafimaad ee tallalka Hib waa mid waxtar weyn oo la taaban-karo leh.Halkan ka dhegaysoXanuuno soo wajahay dadka ku dhaqan Buurdhuubo