Somali Tahriibayaal Ah oo Ku Geeryoodey Magalada Khartuun ee Dalka Suudan

0
48

sudanTahriibayaal Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 13-qof ayaa ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay dulleedka magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan.

Dadkan ayaa ku tahriibayay gaariga ay Soomaalidu u taqaano Xaajiyadda ama TOYOTA HILUX , kaasoo ka dhacay meel qar ah xilli uu xawaare sare ku socday, waxaana goobtaas ku geeriyoodeen tobaneeyada tahriibe ee Soomaalida ah.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Somalia ay ku leedahay Khatruum ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday shilka wajiyadooda la aqoonsan la’yahay, isla markaana uu shilku ahaa mid aad u fool xun.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu intaas ku daray in meydadka aan la aasi karin, maadaama ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo magacyada dadka shilka ku geeriyooday, isagoo xusay in safaaradda Soomaaliya ay waddo dadaal ku aaddan sidii dadkaas dhintay sawirradooda ama magacyadooda lagu ogaan lahaa.