Wasiirka Gaashaandhiga Jen Diini oo Sheegey In Xukuumadu U Tanaasuli Doonto Sidii Xal Waara Loo Heli Lahaa

0
40

diiniWasiirka Gaashaandhiga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo socdaal ku joogay gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guri-ceel, isagoo sidoo kalena kormeeray dugsiga tababarka qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM ka tirsan.

Jen. Diini ayaa sheegay in dowladda Somalia ay mar walba garab taagan tahay dadkeeda; isla markaana ay hadda dib ugu noqon karaan guryahoodii maadaama heshiis laga gaaray dagaalkii dhacay.

Wasiirka ayaa intaa ku daray. “Dhammaan arrimahan waa kuwo ay sababeen colaadda, waxaan arkay mustaqbalkii dalkeena oo meelo bannaan ah ku dayacan. Waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno – una istaagno inaan isku tashanno oo aan ka gudubno dhibka na dhex-yaalla ee noo diidan horumarka,” ayuu yiri wasiirka difaaca oo la hadlayay dadkii isagoo barakacay magaalada Guri-ceel.

Wasiirka ayaa intaas kaddib kormeer ku tagay suuqyada magaalada Guriceel halkaasoo ay dadku dib ugu soo laabanayaan ganacsigoodii, waxyna uga mahadceliyeen wasiirka dadkii kala duwanaa ee lala kulmay heshiiska uu hormuudka u ahaa ee laga gaaray colaaddii uu dhiigu ku daatay ee ka dhacday deegaanka.