Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka oo Maanta La Kulmey Safiirta Isutaga Imaaraadka carabta u Fadhiya Somaliya

0
75

mareyeWasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta (UAE) Mohamed Al-Othman.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka Soomaaliya, isla markaasna Dowladda Imaaraadka ay u sii kordhin laheyd dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka sida Dowladda iyo shacabka dalkaas ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dib u dhiska dalka. Wasiirka ayaa ka codsaday in Dowladda Imaaraadka ay Wasaaradda ka saacido horumarinta warbaahinta dalka.

Safiirka Imaaraadka Maxamed Al-Othman ayaa ballanqaaday in Dowladda Imaaraadka ay garab is taageyso Dowladda iyo shacabka, isla markaasna uu taageeri doono qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, si Soomaaliya ay u gaarto horumar ballaaran.