Dagaal qaraar ayaa Kooxo hubeysan iyo ciidamada Maamulka Seddaxda Gobol oo gacan ka helaya kuwa AMISOM hadda ku dhex maraya gudaha Xarunta Madaxtooyada Maamulka Seddaxda Gobol oo hoy u ah Shariif Xasan iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Baydhaba.
Dagaalka ayaa ka bilowday irida hore ee Madaxtooyada Shariif Xasan kadibna wuxuu ku fiday gudaha Xarunta Madaxtooyada oo iminka rasaas xoogan ay ka dhacayso.
Lama yaqaano cida ay yihiin Maleeshiyada weerartay Madaxtooyada Maamulka Seddaxda Gobol laakiin waxaa loo maleynayaa in ay yihiin Ciidamada Al-Shabaab.