Fiirso Sawirada Gudoomiyaha Gobolka Bay Abdi Adan Hosow oo Shaley Gelinkii Dambe Magalada Ankara Kula Kulmey Madaxa Ururka Bisha Cas ee Dalka Turkiga

0
139

hosow1Gudoomiyaha Gobolka Baay Abdi Adan Hoosow ayaa gelentii dambe ee shaley waxaa uu la kulmey madax ka tirsan Dowladda Turkey, madaxdaasoo ay ka wada hadleen sidii loo hormarin lahaa howlaha gobolka Baay.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu la kulmey xoghaya guud ee Ururka bisha cas ee waddankan Turkey Ms Aysegul GENC iyo ku xigeenka hey’addaasi Md Mintez Simsek kuwaasi oo sheegeyey in ay wax badan la qaban doonaan Maamulka Gobolka Baay ee uu gudoomiyaha ka yahay Abdi Adan Hoosow.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkan Turkey waxaa u qorsheysan inuu la kulmo madax kale oo dheeraad ah. Wuxuu yiri guddoomiyaha “Horumar la taaban karo Ayaan ka sameyney gobolka Baay oo aan la dafiri Karin, laakiin kaalinta dowladda Turkey wey dhiman tahay, wixii hadda ka danbeeyana waxaan rajeyneynaa inay buuxin doonaan hadduu illaahey idmo”.

Guddoomiyaha ayaa waxaa la guddoonsiiyey haddiyad uu guddoonsiiyey Md Mintez Simsek taasi oo loogu talo galey Md Hoosow Governatooraha Gobolka Baay.

hosow1

hosow2

hosow3

hosow4

hosow5

hosow6

hosow7