C/qaadir Abuukar Ibraahim oo ka mid ah waxgaradka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay waraabhinta ayaa Eedeyn u jeediyay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Qoryooleey iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha.
C/qaadir ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay dhibaatooyin joogto ah u geystaan waxagaradka iyo shacabka ku nool Tuulooyin hoos yimaada Degmada qoryooleey, waxa uuna tilmaamay in ay xireen waxgarad iyo Odiyaal ku noolaa tuulooyinkaasi.
Sidoo kale C/qaadir Abuukar Ibraahim ayaa Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka Ciidamada AMISOM ay ka geystaan Degmada Qoryooleey iyo Tuulooyinka hoos yimaada.
Halkan hoose kaga dhegeyso moblkada
Odayasha Degmada qoryooleey mobil
Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin in aad muujisaan dhibaatada ay idinku haayaan gumeysiga idinku soo duuley”ogaada dulmi daa’im ma noqdo,xaq ninkiisa daba joogo ma lumo”siyaasada Amisom ku timid Qoryoley ma aha mid u gargaareyso dadka u dhashey deegaanka ee Duube Digil,hadii ay wax ka bedeli waayaan siyaasadooda ku wajahan dadka deegaan wey isaga tegi doonaan qoryooley goor dhow,dadaala ciidiina ayaa idin hiilin doonta.
Comments are closed.