Ciidan Itoobiya ah oo aad u tira badan kana Qaybna ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kasoo tallaabay Soohdinta Somalia iyo Itoobiya, iyagoo ku wajahan deegaanno kala duwan oo Koonfurta Somaila ku yaalla.
Gobollada Gedo, Bay iyo Bakool ayaa la sheegay in ciidamadani ay buuxiyeen ayna ku sii socdaan deegaanno kale oo cusub, iyadoo Taliska AMISOM iyo Dowladda Federalka Somaliya aysan weli ka hadlin ciidamadan faraha badan ee kasoo tallaabaya xadka Somalia Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay tiradoodu gaarayso 3,000 oo askari ayna wataan qalab kala duwan oo ay ka mid yihiin taagiyo iyo gaadiidka kale ee dagaalka, iyadoo talla-badan ay imaanayso Xilli Al-shabaab ay Kordhiyeen Weerrarada ay ku hayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso Somalia si ay u bedelaan kuwii ka socday dalka Sierra Leone ee ka baxay Somalia, kaddib markii dalkoodu uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Ebola.
Si kastaba arintu ha ahaatee wadanka somaliya ayaad moodaa in tartiib tartiib ay ula wareegi rabto dowlada itoobiya inta ay hurdaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka somaliyeed taasi oo hadhow caqabad weyn ku noqon doonta dowladnimada iyo jirtaanka somaaliya.