Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Beeniyey In Dacwadii Dib Loola Laabtey

0
46

axmedXeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in 13-ka bishan Luulyo xukuumada Soomaaliya ay gudbineyso dukumentiyadii ka harsanaa dacawadda dowladda Soomaaliya ay la tiigsatay Kenya taas oo ku saabsaneyd soohdinta badda ee labada dalka ay ku muransan yihiin.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in dowladda ay ka baxday dacawadaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, isagoo tilmaamay in shirkadaha Lixda ah ee ku howlanaa shidaal baarista ay shan kamid ah heshiiskii ay buriyeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay digniin u jeedisay isla markaana hal shirkadda oo kuwaas kamid ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay weli ku harsan tahay.

Dhawaan ayaa Dowlada Kenya waxay sheegtay in is-afahan laga gaaray murankii dhanka Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya,islamarkaana dib loo dhiigay dacwadii loo gudbityay Maxkamada Hague.

Beecinta hantida qaranka somaliyeed ayaan aheyn wax ku cusub siyaasiyiinta somaliyeed hadalka kasoo yeeren dowlada kenyana waa mid suura gal ah in ay dhacdo in xukuumada federalka ay dib uga laabato dacwadaa ayada ah.