Dowlada Federalka oo Ka Hadashey Weerarkii Shaley Alshabab Ay Ka Fuliyeen Laba Hottel oo Ku Yaala Magalada Muqdisho

0
49

astaanta somaliaDowlada federalka somaliya oo hadashey weerarkii shaley ayaa sheegtey in Toddoba ka mid ah xoogaggii Weeraray xalay Hoteellada Weheliye iyo Siyaad ee Muqdisho la dilay, isla markaasina xalay lasoo af-jaray howlgaladii weerarradaas oo Al-shabaab ay sheegatay inay mas’uul ka tahay.

Wasiirka Amniga Gudaha Somaila, C/risaaq Cumar Maxamed oo booqday labadii hoteel ee la weeraray ayaa indho-indheyn ku sameeyay sidii ay wax ku dhaceen, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan ayna la shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay hiowlgallada looga hortagayay xoogagga Al-shabaab ay fuliyeen, isagoo aan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan.

Dhanka kale, Weerarradan ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen in ka badan 11-qof oo ay ku jiraan xoogaggii weerarka soo qaaday, ayna ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 20-qof oo qaarkood la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Si kastaba arintu ha ahaatee weeararadan ay qaadayaan kooxaha alshabab aya bishan ramaan aad ugu badnaa dalka somaliya ayadoo geystey dhibaatooyin aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.