Kooxaha Dhul Boobka oo Maanta Weerar Ku Qaadey Deegaanka Ceeljaale Ayagoo kala Kulmey Iska Caabin Ciidamada Deegaanka

0
72

dagalWararka ka imanaya Deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Marka ayaa sheegay in maanta uu halkaasi ka dhacay Dagaal xoogan oo laysku adeegsano hubka noocyadeeda kala duwan.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu bilowdey ka dib kolkii ay weerar soo qaadeen kooxaha doonaya iney boobaan gobolka shabeelaha hoose oo uu hogaaminaayo Xasan Jaamici ayagoo kala kulmey iska caabin dhinaca ciidanka deegaanka.

Ilaa iyo hada lama oga halka uu la egyahay qasaaraha ka dhashey dagaalkaasi maadaama uu weli socdo labada dhinacna aysan ka hadlin.

Si kastaba arintu ha ahaatee dagaaladan kasoo cusboonaanaya gobolka ayaa waxaa uu salka ku hayaa kooxo kasoo bara kacay goboladoodii isla markaana doonaya iney boobaan deegaano aysan lahay ayagoo ka helaayo caawin dhinaca xukuumada federalka.